TV-yada Soomaalidu Tayo Xumaa oo Tuugsi Badanaa! Maxaa Wadaadadeenii Hore Lagu haystay? 

Xigasho: www.miisaanka.com

Hadalka ma gafin hadaan ku bilaabo nin nooloow maxaa aragti ku dhiman ama ninkii noolaada Geel dhalaa waas arkaa, Waxaan labadaaas murti uga danleeyahay wax aad iga yaabiyay oo runtii in badan aan is weydiiyay maxaa dadkii si ka noqday.

Waxaan hubaa akhristoow inaad mowduuca cinwaanka oo kaliya uga dheregeysid arinta aan u qalin qaatay, saas darteed uma baahna in aan wax dheer oo aad ku daashid ka iraahdo.

TV-yada ku baxa Afka Soomaaliga ee laga daawado Saxanka ama dhishka hotbird-ka ayaa umadii Soomaaliyeed ku riday niyad jab iyo lugooyo aysan hilmaami doonin, Waxaad arakaysaa umada oo nacladaysa TV-yadaas oo aan habayaratee soo dayn wax umada anfacaya marka laga reebo Muxaadaraad ay dan gaar ah ka leeyihiin iyo warar laaluush lagu qaatay.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed aad iyo aad ayay ula riyaaqeen in Tv ku baxa afkooda Soomaaliyeed ay guryahooda iyo meherada caamka ah ku daawadaan, waxaase isla markiiba soo baxday in Tv-yadaa ay u furan yihiiin dano qaab daran oo ay adagtahay qofka saqaafadiisa sarayso inuu fahmo, iskaba daa warmooge warkiisee.

Aqaristoo waxaa hawada ku jira tv-yo tiro badan oo qaarkood hadda la furay qaarna horay u furnaanyeen, waxayna ka wada simanyihiin tuugsashada casriga iyo furashada Dumarka.

Waxaa dhab noqotay wadaad inuu wadaad un yahay ama ha ahaado kuwii hore ama kuwan Cusub ee la soo baxay tuugsashada casriga ah. Xaqiiqda markaad eegtid wadaadii hore ee Suufiyada ayaaba waxbadan ka fiican Kuwan, oo Wadaadeenii hore tuugsigooda joogto ma ahayn oo xiliyo mucayan ah ayay dadka siyaarada ka qaadi jireen, waxayna wax ka qaadi jireen markaas dadka ay la joogaan.
Wadaada Cusubse Tuugsigooda ama dhahee toogeysigooda guri kasta iyo meelkasta ayuu galay, waxaana la soo ogaaday dadka ay wax ka qaadaan inay u badanyihiin haween ku dhibaataysan qurbaha, tasoo mararka qaar keensata inay isku dhacaan ragoodii hadayba rag leeyihiin, hadii kalana ay lacagtii caruurta ay ku takri falaan.

Waxaa la yaab noqday in wadaadan Cusub oo shicaarka diinga dadka ku qalda ay baro dhaafeen wadaadii hore, waxaana moodaa in ducada ay gacanta ku hayaan oo iyaga bixinayaan, xataa wax dambi ah hadaad ka dalbatid inay kugu duceeyaan waa kugu duceynayaan si ay u helaan lacagtooda!

Waxaan Xasuustaa qof waayeel ah oo qurbaha habeen ka soo wacday waxayna weydiisatay ninkeeda iyo caruur ay dhashay in loogu duceeyo imaanshaha wadamada reer galbeedka, deeto Sheekhii Duca ayuu isla qabtay asagoo Alle uga baryaya qoyskaas muslimka ah inay yimaadaan wadan gaalo ah oo qatar ku ah diintooda iyo dhaqankooda.

Universal oo ah bilaabaha fitantan tuugsiga ah oo qandaraas weyn ku haysta lacag aruurinta ayaa wixii qarash ah ee la uruuriyo uu ku leeyahay boqolkiiba labaatan (20%) sidaan xog hoose ku helnay. Sidoo kale wadaada hadlaya oo dadka ka daadinayana intaas la mid ah ayay leeyihiin, taasi oo la macna ah waxaad dar Alle u bixisay in dad kale saacado gudahoood wax uga qabsadaan oo ku tukaamaystaan.

Waxaad furan Tv-yada kala ah:

Universal
Somalisat
horn cable

Royal
Somali Chanl

Somaliland Tv.

Waxaa aad iga yaabiyay intaas oo TV inay halmar oo qura hawada Soo galaan oo teleefada wada furaan si ay u tuugsadaan, sababtuna yaan lagaaga hormarin islaamaha masaakiimaha ee lagu beerlaxaawsad waxaan jirin iyo balanqaadyo uu Alle bixin karo oo la leeyahay waad helaysaa oo la jasminayo.

Intaas waxaa ku dheer kaftanka xaraanta ah iyo naago la qabo oo la fitnaynayo, waxaan xasuustaa gabar maalin soo wacday oo lacag la baxday, waxaa la weydiiay maxaan kugu duceynaa? Yaab ileen qasab bay boqotay ducadiiyee, saa waxay tiro waxbo ma qabo Al-Xamdulillah, ninkii wadaadka matalayay ayaa yiri haddaba SHAAH I Cab! gabdhii waa isku yaxyaxday.

Isku soo xooriyoo Waxaad is weydisaa hal Suaal TV-yadan Maxaad ka faa’idaa ama ay ku soo kordhiyeen Gurigaada? Hadaad Jawaabta saxda ah oo aad ka fekirtay waxay kugu soo baxaysa inaysan waxbo meesha ku hayn.